Muqdisho (Caasimada Online)- Faarax Macalin waa siyaasi kasoo jeedo dalka Kenya wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka hoose oo ay heleyso Caasimadda Online wuxuuna ka qeyb noqon rabaa shaqsiyaadka faragelinta ku sameyn rabo magacaabista golaha wasiirada.
Faarax Macalin oo ah xubin kamid ah Baarlamaanka Kenya sidoo kalana horey mar u noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, halka uu hadda ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka Kenya.
Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya ayaa kuso dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Ade, waxaayna dadka soo dhameeyey hor kacayey xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, C/qaadir Maxamuud Dhaqane iyo koox kale oo kamid ah isbaheysigii Asmara ee haraadigii maxkamadaha.
Wuxuu si lama filaan ah oo weliba deg deg ah tagay Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre si uu halkaas kulamo ula qaato Kheyre waxaana la filayaai nuu faragelin ku sameeyo magacaabista golaha wasiirada.
Markii xilka loo magacaabay Kheyre ayaa si weyn waxaa arrintaas usoo sameeyey Faarax oo la aamisan yahay inay yihiin laba shaqsi oo aad isugu dhaw.
Ujeedka ugu weyn ee uu Faarax Muqdisho u imaaday ayey xogta sheegeysaa inay tahay sidii uu faragelin toos ah ugu sameyn lahaa magacaabista golaha wasiirada, wuxuuna sidoo kale qorsheenayaa inuu halmabalyo ku aadan magacaabista Kheyre uu u gudbiyo madaxweyne Farmaajo.
Wararka soo baxayo ayaa sheegayo inuu Faarax ololo weyn ugu jiro sidi ay golaha wasiirada uga soo muuqan lahaayeen shaqsiyaad kamid ahaa garabka Asmara ee maxaakiimtii islaamiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]