Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya” ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.
Inta aan ka aqaan sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay foor lagu dubo rootiga oo ku taala magaalada Muqdisho, wuxuuna mararka qaar aadi jiray beer uu leeyahay oo aabihii uu kaga dhintay.
Wuxuu mar qura noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.
Wararka la xiriir xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maraa hanaanka shaqaaleysiinta.
Farmaajo ii Geeya oo la hadlay Caasimada Online, wuxuu sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]