Jahwareer ka taagan magacaabista wasiirada (Maxaa caawa ka dhacay xafiiska Kheyre?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahawareer iyo hubanti la’aan ayaa hareysay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kadib markii loo yeeray saxaafadda caawa 9:00 fiidnimo si loo shaaciyo Golaha Wasiirada cusub.

Saxafiyiinta ayaa muddo karib lagu wargeliyay in la hakiyay magacaabidda iyadoo qaar ka mida shaqaalaha xafiiska ay u sheegeen in laga war sugo, halka qaar kalena ay ku wargeliyeen inay gebi ahaan ay dib u dhacday magacaabiddii Golaha wasiirada. Saxafiyiinta qaar ahaa dib loo celiyay iyagoo ku sii jeeda madaxtooyada.

Xilliga la magacaabayo Golaha wasiirada ayaa haddana la sheegay inuu noqon doono maalint berrito ah ee Talaadadda, kadib hakadka ugu danbeeyay ee caawa ku yimid ku dhawaaqista Golaha Wasiirada.

Dood ka dhashay shaqsiyaad la helay inay ku jiraan golaha wasiirada ayaa culeys weyn ku noqday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waxayna warar xogogaal sheegayaan in muranka ka taagan yahay laba shaqsi oo ka mida wasiirada isla markaana xilal muhiim ah ku qoran.

Khakhalka galay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo muddo 24 saacadood ah ku dhawaaqi la’ magacyada golaha wasiirada ayaa muujineysa cadaadiska saaran xafiiska Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo xaalada adag ee ka taagan xulashada wasiirada iyo jagooyinka.

Xildhibaano badan oo horeba uga horjeeday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa xaaladdan uga faa’iideysan doona inay ciriiri geliyaan kalsooni siinta xukuumadda cusub oo la saadaalinay inay mari doonto jidkii xukumaadihii ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo dhowr jeer dib u celiyay xukuumado uu magacaabay.

Xigasho: Goobjooge