Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhow ku qarxay inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu kusii jeeday dhanka Villa Somalia waxa uuna ku qarxay koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.
Gaariga ayaa la sheegay inuu ka degay wadaha ka hor inta uusan Qarxin waxaana la xaqiijiyay inuu xigay Qaraxa.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa gaari Caasi ah, waxaana la socday wadaha Gaariga oo ku geeriyooday goobta.
Goobta uu ku Qarxay gaariga ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Milliteriga oo iyaga ka howlgala koontaroolka Hooyooyinka.
Dadka ku dhintay Qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa u badan Ciidamo iyo Haween goobta ku iibiya qaad.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale yaalla gaadiid aad u farabadan oo ku jiray feelka baaritaanka kuwaa oo isugu jira shacab iyo shaqaale Dowladeed.
Waxaa iminka ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowlada oo wada baaritaano kuwaa oo xiray dhammaan waddooyinka gala Villa Somalia iyo kuwa kabaxa.
Dhinaca kale, waxaa goobta ku sugan Gaadiidka Gurmadka oo iyagu daabulaayo dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]