Sawirro: Imaaraatka oo si rasmi ah ula wareegay dekedda Boosaaso

Dawladda Puntland  iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta  ayaa maanta magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekeda magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Heshiiskan  waxaa  dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWORLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ay bixin doonto 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan Doolar.

“Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso,  lana dayactiri doono dekeda hada jirta ee  Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 2oo million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, waxaana la sii raaciyay

Heshiiska ay  sidoo kale wuxuu dhigay  in dhismaha dekada  lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay,

“heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland” ayaa la yiri

Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska  wuxuu tilmaamay  inay balaarinta dekada Boosaaso  aywax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka wadamada Afrika iyo guud ahaan mandaqada oo dhan , isla marhaantaan ay diyaar u yihiin in xiriir wanaagsan oo ganacsi oo dhow la yeeshaan welibana ka dhabaynayaan kana midha dhalin doonaan xili dhow.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cai Gaas ayaa dhinciisa soo dhaweeyay  heshiiska , isagoo  u mahadceliyay shirkada P&O (DPWORLD)  soo dhawaynta wanaagsan ee ay isu sameeyeen isaga iyi weftigii  la socday, isagoo sheegay in mashuruuca dekeda Boosaaso uu qayb ka yahay mashaariicda kele ee Dawladdu wado ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

”waxaa la gaadhay xiligii aan u jihaysan lahayn horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan rabnaa markaa in Puntland wejiga ay maanta leedahay wejika bedelan ay yeelato, waxaan rajaynaynaa markaa insha Allaahin in mashruucani uu ka qayb qaato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Gabagabadii, Shirkadda DP world ayaa heshiis noocan oo kale ah waxay la gashay dowladda Somaliland oo muddo 30 sanno ah lagu wareejiyay dekeda Berbera oo taa bedelkeeda ay ballaarin iyo dayactir ku samaynayso dekeda.

Isha: HM