26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Muxuu Farmaajo ka yiri qorshaha ay kula dhaqmayaan beesha caalamka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiriirka Somalia kala dhexeeya dowladaha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in DFS ay wanaajin doonto dhammaan dowladaha doonaaya inay xiriir la sameeyan Somalia, balse waxa uu cadeeyay in xiriirka uusan qeyb ka noqon doonin inay faragaliyaan arrimaha Somalia.

Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladiisu ay ku raali noqon doonto wax waliba oo ay raali ku yihiin shacabka Soomaaliyeed, oo ku xeeran midnimada iyo iskaashiga.

Dowladaha qaar ayuu sheegay inaysan raali ka aheyn Somalia oo xor ah, balse dowlada Somalia ay ka fiirsan doonto cidda ay la yeelaneyso xiriirka.

Madaxweynaha Qaranka ayaa mugdiga ka saaray in DFS ay u jilicsan tahay Siyaasada reer galbeedka waxa uuna cadeeyay inaysan dooneynin cida aan dooneynin wanaaga Somalia.

Madaxweynaha ayaa dhawaan sheegay in adduunka uu aad u daneynaayo Siyaasad iyo Dimuquraadiyad ka dhaqan gashaa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News