Farmaajo oo madaxda maamulada ogoleysiiyey arrin weligood aysan aqbalin oo shirka London ku saabsan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir muddo laba berri ah u socday Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

Ujeedka shirkaan ayaa ahaa in la iska wareysto xaaladda dalka mid amni, mid dhaqaale,  gurmadka abaaraha iyo arrimo ku saabsan shirka London ee dhawaan loo qaban doono Soomaaliya.

Haddaba ujeedka ugu weyn ee uu Madaxweyne Farmaajo ka lahaa kulankaan ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii dowladda Soomaaliya looga dambeyn lahaa shirka London isla markaasna aysan jirin cid kale oo go’aan ku yeelan karto.

Markii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda Maamul Goboleedyada usoo jeediiyey inaysan ka qeyb gelin kulankaas oo ay dowladda Soomaaliya matasho dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Madaxda Maamulka Goboleedyada ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tahay mid aan la aqbali karin, isla markaasna aysan macquul aheyn inay ka maqnaadaan kulankaas.

Dhammaan Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle way ka biyo diideen soo jeedinta Madaxweynaha marka laga reebo sii hayaha xilka Madaxwyenimo ee Galmudug kaasoo sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aan kasta oo uu madaxweynaha u arko inay dan ugu jirto Soomaaliya.

Kulan dheer kadib iyo wadatashi, madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyey inay Maamul Goboleedyada ka qeyb galaan kulankaasna, balse aysan awood iyo go’aan ku yeelan.

Ugu dambeyntii waxaa lagu hesiiyey inay Madaxda Maamul Goboleedyada ka qeyb galaan kulankaas, isla markaasna ay ka dambeeyaan dowladda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey inaysan faragelin ku sameyn.

Go’aankaan la isla gaaray ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda Soomaaliya, wuxuuna kulanka London noqon doonaa mid ka duwan midkii ay ka qeyb gashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, markaas oo ay jirtay is bar bar yaac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com