Xog-waran: Amisom iyo dowladda federaalka keebaa dalka ka taliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa wixii ka danbeeyay doorashada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo bilaabay cadaadinta Dowlada Federaalka Somalia.

Taliska oo aad uga walaacsan saameynta ay Dowlada cusub ku yeelan doonto joogi taankooda Somalia ayaa bilaabay hakinta booqashooyinka ay Madaxda dalka ku gaarayaan goobaha ay ka arimiyaan.

Talaabooyinka u muuqaalka ek gumeysiga ee AMISOM ayaa shaki ba’an galinaaya xoriyada Somalia, waxa ayna talaabooyinkaani imaanayaan xili dalka ay ka arimiso dowlad ka duwan tii hore.

Talaabooyinkaani u muuqaalka ek gumeysiga ayaa waxa ay AMISOM ku tijaabiyeen Wasiirada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Dr Maryan Qaasim oo iyadu laga diiday inay gasho Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa wixii ka danbeeyay celinta Wasiirada u suuragashay inay ku dhiiradaan is hortaaga Madaxda kale, waxaana xigay in ilaa Seddex Wasiir ay u diidaan inay galaan Stadium Muqisho xili ay galbinayeen Madaxweynaha Kubadda Cagta Qaaradda Afrika Mr Ahmed Ahmed.

Dadka qaar ayaa qaba in talaabooyinkaani ay yihiin kuwo lagu tijaabinaayo Dowlada cusub waxa ayna tilmaameen inay hirashay.

Dadku waxa ay is weydiinayaan cida dalka ka arimisa DFS ama AMISOM, waxaana arrintaani barbar socda in AMISOM ay tacadiyo ka geystaan gudaha Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

AMISOM ayaa u muuqaneysa inay tijaabineyso heerka ay gaarsiisan tahay awooda DFS, balse waxaa muuqaneysa in dowladu ay gabtay kaalinteeda ku aadan xakameynta Ciidamada Shisheeye ee ku dhaqan dalka.

Waxa ay sidoo kale AMISOM sanadii hore Garoonka Aadan Cadde u diiday Ciidamo la socday Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid, mana jirin cid arrinkaasi ka hadashay walow ay dowladu madaxa carada ka ceshaneyso.

Geesta kale, waxaan la ogeyn sababta ka danbeysa in Ciidamada AMISOM ay mar waliba is hortaagto Madaxda Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com