Dowladda Soomaaliya oo diyaarad gargaar sida u direysa Dhuusomareeb

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe diyaarad gargaar wadda loogu dirayo magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Diyaaradaan ayaa maanta gelinka dambe la filayaa in loo diro magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana qorshaha uu yahay in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ku sugan deegaanada Galgaduud.

Balanqaadkaan ayaa yimid kadib markii kulan gaar ah xalay uu dhex maray madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay inay ka warqabaan xajmiga dadka ay abaarta saameysay ee ku nool deegaanada uu ka taliyo maamulka Ahlu sunna, waxaana uu sheegay inay dhibka la wadaagayaan.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa galaaftay nolosha xoolo badan oo Soomaalida ay dhaqato, waxayna abaarta ay gaartay heer xoolaha iyaga ay is cunaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com