25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa kala socotaa 2-da qodob ee uu Farmaajo kala hadli doono Trump?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shir kaga qeybgali doona magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Somalia ayaa sida aan horay u sheegnay magaalada Riyadh uga qeybgali doona Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Magaalada Riyadh ayaa waxaa ku sugan dhammaan Madaxda lagu martigaliyay shirka oo uu ku jiro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxda dalalka Islaamka.

Trump ayaa ka qeyb geli doona sadex kulan oo ka dhacaya Sacuudiga, shir u dhaxeeya Sacuudiga iyo Maraykanka, Shirka dalalka Khaliijka iyo Maraykanka iyo shirka dalalka Carabta iyo Islaamka.

Hogaamiyaasha dalalka Khaliijka ayaa doonaya inay ka dhaadhiciyaan Trump inuu soo xoojiyo cadaadiska lagu hayo dalka IRAN oo ay jaarka yihiin. Waxaana la filayaa inay si gaar ah uga wadahadlaan dagaalada ka socda Siiriya iyo Yemen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta lagu guda jiro shirka dhigiisa Mareykanka ka dalban doona 2 qodob oo kala ah:-

1-In Somalia laga qaado cunaqabateynta Hubka ee saaran.

2-In laga saaro Liiska dalalka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Madaxweynaha Somalia ayaa shirka marka uu dhamaado kulan Khaas ah la qaadan doona Madaxweynaha Mareykanka, waxa uuna mar kale si gaara uga codsan doonaa inuu wax ka qabto labada qodob ee saameynta weyn ku yeeshay dalkiisa.

Dowlada Somalia ayaa fursad weyn u aragta kulanka dhexmari doona Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump.

Dhinaca kale, Donald Trump qudhiisa ayey fursad u tahay in Hogaamiyayaal farabadan uu mar qura si wada jira ula kulmo, waxaana xusid mudan in Safarka Donald Trump ee Sacuudiga uu noqonaayo kii ugu horeeyay oo uu ku tago dal muslim ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News