27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“Tallaabadii uu xalay qaaday Taabit waxay horseedi doontaa dhimasho badan”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka digay in tallaabada lagu bedelay 15 guddoomiye ay horseedi karto amni darrada magaalada oo sii xumaata, dad badanna ay ku naf waayaan.

Aqoonyahanadan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha la magacaabay aysan magaalada u dhalan, waxbana ka aqoon, sidaas darteedna ay adkaan doonto inay sugaan amniga degmada ay maamulaan.

“Wallaahi xalay wax yaab leh ayaa dhacay, nolosheyda ma arag qof xil loogu dhiibay meel uusan weligiis degin, aqoon dadka ku nool. Meel aadanba weligey ku noolaan side u maamuli kartaa amnigeedana u sigi kartaa?” Waxaa sidaas yiri Prof. Xasan Saalax, oo Muqdisho kula hadlay Caasimada Online.

“Wixii dhacay ma ahan xilal la isku beddelay, waa cayaar lagu dul sameynayo nolosha dadka Muqdisho, lama yaabi doono hadii amni darrada magaalada kororto, oo go’aanka Taabit uu qaaday uu sabab u noqdo dhimashada boqolaal qof” ayuu yiri.

Dhinaca kale, aqoonyahan Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in halis amni ay ka iman karto in dhammaan gudoomiyeyaasha maamulka degmooyinka la wada beddelo mar qura.

“Marka mar qura 15 qof oo cusub ay xil wada qabtaan, waxaa dhaca waqti ayey qaadataa inta ay kula qabsanayaan, taasna waxaa ka faa’iideysta nabad diidka, xaqiiqdii waa ficil ay nolosha dad badan oo reer Muqdisho ay sababsan doonto” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay Caasimada Online.

Dadka uu guddoomiye Taabit xilka u wada magacaabay ayaa dhammaantood la sheegay inay yihiin saaxiibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News