Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay gaarigii shalay is qarxiyay, xilli uu marayay wadada hor marta Dekeda Muqdisho
Shir Jaraa’id uu qabtay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid ayuu ku sheegay in gaariga qarxay ay warbixintiisa hayeen, isla markaana la doonayay in lagu weeraro mid ka mid ah Iskuulada ay ka socotay Imtixaanka.
Jen. Saacid ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaari kuwa raaxada ah, isla markaana ay qabatay Camerada Booliska, wuxuuna sheegay inuu qarxay, inta aanu bartilmaameedkiisa gaarin.
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka qaabka uu qaraxaas u dhacay: