DF oo ka hadashay sababihii Turkish Airline ugu soo dagi weysay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababa keenay in diyaaradda Turkish Airline ay uga soo dagi weysay seddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha isaga oo agtaagan duuliyihii diyaaradda iyo agaasimaha hay’adda saadaasha hawada ayuu ka hadlay waxyaabaha keenay in diyaarada ay soo cago dhigan weydo Muqdisho seddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay in cilad aysan jirin balse ay jireen dabeylo badan oo sababay in diyaarada ay soo dagi weyso maadaama siyaasada u degsan diyaarada ay tahay inaysan ka dagin garoon dabeylo badan ay ka jiraan.

“Diyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto”ayuu yiri Wasiirka.

“Waa sharci u yaala shirkadda Diyaarada, mana ahan mid quseysa Garoonka Muqdisho, waxay quseysaa meel kasta oo ay tagto Turkish Airlines, waa wax maalmihii la soo dhaafay dhacayay, waa wax mar kasta dhici kara, garoomada Caalamka ee ay ka degto Turkish Airlines ayay ka dhacdaa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad.

Diyaaradda Turkish Airline ayaa maalintii afaraad ee shalay aheyd kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com