Nairobi (Caasimada Online) – Qarax laga soo buuxiyay Gaari ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid oo mareysay Iridka hore ee Madaxtooyada Afghanistaan.
Qaraxaani ayaa waxaa ku dhaawacmay inkabadan 52 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Shacab kuwaa oo xiliga Qaraxa ku jiray safaf dhaadheer oo lagu baarayay gaadiid isticmaalaya wadada hormarta Madaxtooyada.
Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen 12 qof.
Qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Shaqaalaha iyo dadka shacabka ah ay u kala hayaamayeen Shaqooyinkooda caadiga ah.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla Safaarado badan oo ay leeyihiin dalalka Caalamka.
Qaraxa ayaa noqonaaya midkii 6 oo ka hordhaca Iridka hore ee Madaxtooyada.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]