Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ka biya diiday amar ka soo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka.
Wasiirka ayaa amarkaasi ku sheegay mid aan xaqiiq loo marin isla markaana lagu doonaayo in lagu duudsado nidaamka sharciga.
Amarka Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ahaa dacwad loo heysto Cumar Faaruuq oo sheegta inuu madax u yahay Ururka NUSOJ.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, ayaa waxaa Cumar Faaruuq lagu amray in saacado kooban gudahooda uu ku hor imaado Xeer ilaalinta si wax looga weydiiyo dacwadaha lagu soo oogay.
Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Jawaab ka bixinaaya u yeerida Cumar Faaruuq ayaa sheegay in Xeer ilaalinta Qaranka ay baalmareyso sharciga, waxa uuna tilmaamay in qodobo ka mid ah qoraalka uu ka hor imaanayo Dastuurka, sida uu ku qeexay qoraal uu kusoo daabacay Facebuugiisa.
Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu sheegay in sharciyada dalka loo adeegsanaayo qaabab ka duwan sida loogu tallo galay in loo adeegsado, waxa uuna tilmaamay in qofna loo diidi karin shir ay qabsato, isla markaana qodobo ka mid ah eedeynta xeer ilaalnta soo jeedisay ay ka hor imaaneyso Dastuurka.
Wasiirka waxa uu Xeer ilaaliyaha ka dalbaday inuu dib ugu laabto qodobada uu daliilsanaayo iyo waxa ay salka ku heyso eedeymaha loo jeedinaayo Cumar Faaruuq.
Dacwada ayaa la sheegay inay gudbisay Wasaarada warfaafinta Xukuumada Somalia, waxa ayna Dacwada Cumar Faaruuq u muuqaneysaa mid xasarad ka dhex abuureysa Wasaaradaha dalka, gaar ahaan Wasaarada warfaafinta iyo Wasaaradda Dastuurka oo isku haya Dacwada la horgeeyay Xeer ilaalinta.