27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Yaa ka mas’uul ah haweenkii shalay ku dhintay banaanbixii Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Yey ka dhinteen Haweenkii shalay ku nafwaayay taageerida Farmaajo?

Waxaa maalinimadii shalay magaalada Muqdisho ku nafwaayay Haween u badnaa kuwo uur leh, halka qaarna ay ku dareen waayen is buurasho ka dhacday isla goobta oo aheyd Stadio Conis.

Haweenkani khasaaraha kala kulmay banaanbaxa 100 jirsashada dowlada Madaxweynaha ayaa waxaan weli ka hadal DFS, gaar ahaan maamulka Gobolka Banaadir oo lahaa fekerka isku soo baxa.

Haweenka ayaa waxaa badankooda laga soo saaray guryahooda iyadoo maamulka Degmooyinka ay ku amreen inay calamada u ruxaan Madaxweynaha dalka oo xiligaa kusii jeeday Stadio Conis, inkastoo aan waxba leyska weydiin geerida iyo dhaawaca soo gaaray.

Haweenka uu dhaawaca soo gaaray ayaa tirro ahaan dhamaa ilaa afar haween ah, halka dhimashaduna ay aheyd hal Haweeney oo la sheegay inay uur laheyd.

Zakariye Nuur oo kamid ah qaraabada Haweeneyda dhimatay ayaa sheegay in dowlada Dhexe wax laga weydiin doono geerida Haweeneyda maadaama ay iyada kasoo saartay hooygeeda si ay usoo dhaweeyan Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in marxuumada oo laheyd uur ay ka dhimatay keliya qoyskeeda iyo carruurteeda maadaama aan jirin cid soo dabakacday dhibta qoyskeeda soo gaaray.

”Waxaan filayaa in dowlada Dhexe ay gaartay dantii ay laheyd oo ah in Stadio Conis lagu soo dhaweeyo Madaxweynaha, wixii intaa ka danbeeyay ma jirin cid ka socta dowlada oo xitaa nagala hadashay geerida naxdinta leh, hade marxuumada anaga ayay naga dhimatay oo cid kale kama aysan dhiman”

Sidoo kale, qoyska marxuumada ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aad u liita isla markaana aan ka maarmikarin isgarabtaaga dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, banaanbaxa shalay loo qabtay Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya kii ugu badnaa abid oo ay soo xaadiran dad kor u dhaafaya 4,000 oo qof, hadana ay ku dhintaan dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News