Berbera (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Imaaraadka ay saldhig Berbera u isticmaali karaan ujeedo kasta oo ay ku jiraan.
Waxa uu sheegay in isticmaalkooda uu kamid noqon karo tababarka, ilaalinta badda iyo howl galada milateri.
Wasiirka waxa uu sheegay in Somaliland ay aad ugu qanacsan tahay in Imaaraadka uu isticmaalo Saldhiga cusub ee Berbera, iyadoo aan jirin xisaabtan.
Amarka iyo Go’aanka kasoo baxay maamulka ayaa waxaa ka dhalankara dhibaatooyin farabadan oo u muuqda kuwo aan laga fiirsan oo xili danbe saameyn kara xaalada Somaliland.
Ogolaanshiyaha Somaliland ayaa waxaa laga dhexli karaa caqabad amni hadii Saldhiga Barbara ciidamada imaaraadka ay u adeegsadaan goob ay ka duulaan xilli Berbera ay 250 KM u jirta koofurta Yemen halkaasoo ay ka dagaalamaan Jabhadda Xuutiyiinta.
CAQABADAHA LAGA DHEXLI KARO:
1-Amni daro ka dhalata Xeebaha maamulka Somaliland taa oo saameyn karta xitaa Maraakiibta isticmaasha dekadaha maamulka Somaliland.
2-Weeraro gantaalo oo saameeya deegaanada maamulka Somaliland kuwaa oo ay adeegsan doonaan Kooxda Xuutiyiinta Yemen.
3-Weeraro Qaraxyo oo ka dhaca deegaanada Somaliland si lamida weerarada ay Xuutiyiinta ka geystaan masaajida Yemen.
4-Weeraro lala beegsada Saldhiga Imaaraadka iyadoo la adeegsanaayo qaabab kale.
5-Xanuuno ka dhashay Hubka culus oo ay isku isticmaalayan Imaaraadka iyo Xuutiyiinta.
Saldhigga ayaa wali ku socda dhismo, hase ahaatee maraakiibta dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mar dhoweyd ku soo dhowaaday biyaha Berbera, gaar ahaan meel u dhow
Dekeda oo dhowaan lagu wareejiyay Shirkadda DP World ee imaaradkla Carabta.
Waxaa jira Maraakiib iyo Diyaarado dagaal oo xiliyada Habeenkii ku xirta Dekadda kuwaa oo Saldhiga ku raraaya Hub iyo agab militery.
Dhinaca kale, maamulka Somaliland uma cada dhibaatada ka dhalankarta awoodaha ay siisay dowlada Imaaraadka.
Caasimada Online
Xafiiska Barbara
[email protected]