Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu maanta ku wajahan yahay magaalada Kismaayo.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha uu yahay mid lagu hirgalinaayo qorshooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin arrimaha ku aadan Dekadda iyo Garoonka Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland uu ku qancin doono in DFS lagu soo wareejiyo maamulka Dekadda iyo Garoonka Kismaayo, iyadoo laga sii ambaqaadayo heshiiskii 2013 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee u dhexeeyay DF iyo Jubbaland.
Heshiiskii Addis Ababa ayaa dhigayay in Maamulka Jubbaland uu DFS ku wareejiyo 6 bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka, oo ay dowladdu u soo magacaabeyso maamul cusub, inkastoo aanu hirgalin Heshiiskaasi.
Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa goor sii horeysay kawada hadlay arrimaha Dekada iyo Garoonka Kismaayo, inkastoo ay isku fahmi waayen, hadana waxaa jira macluumaad sheegaya inuu jiro qodobo leysku fahmay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu wanaajiyo la dhaqanka maamul Goboleedyada, iyadoo la sheegay in markii u horeysay Madaxda maamul goboleedyada ay dowladda Federaalka u qortay bil walba gunno lacageed oo aan la cayimin.
Dhinaca kale, Qorshaha lagu soo celinaayo Dekadaha iyo Garoomada dalka ayaa waxaa horboodeysa QM oo DF ka caawineysa fududeynta howlaha horyaal dowlada.
Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]