Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya David Concar iyo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera iyo wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday Amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska lagu gaaray magaalada London May 11, 2017.
Waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkan London looga hadlay.
Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre oo ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkii London uu ahaa mid guulo waa weyn uga soo hoyday DFS.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la fuliyo dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka, waxa uuna fulinta qodobadaasi hordhigay Wakiilada Beesha Caalamka ee ka howlgala Somalia.
Wakiilada qeybta ka ahaa kulanka ayaa mid mid u sheegay inay diyaar u yihiin in DFS ay kala shaqeeyan hirgalinta dhammaan qodobada kasoo baxay shirka London.