25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa kusoo kordhay dagaalka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada xasilinta iyo militeriga?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowlada, gaar ahaan kuwa xasilinta magaalada Muqdisho iyo Militeriga.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xarunta degmada Kaaraan oo gargaar qeybin ka socotay ay weerareen Ciidamo doonayay iney qeyb ka helaan raashinka oo loo qeybinayay dadka danta yar ee ku nool degmadaasi.

Ciidamada baada waday ayaa waxaa kusoo baxay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa xasilinta magaalada oo dagaal la galay ciidamada baada ka doonaayay deeq bixinta ka soctay xarunta Degmada.

Dagaalka socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirto dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhintay ku jiray Guddoomiyihii Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Cabdi Maxamed Dhageey (Cabdi Jiis) iyo Seddex kale oo u dhintay dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale, dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid haweeney aheyd ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka degan xaalada Degmada, iyadoo dhammaan ciidamada Militeriga laga saaray goobta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News