Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay go’aanka ay dowlada Sacuudiga xiriirka ugu jartay dowlada Qadar.
Xukuumada Eritrea ayaa sheegtay inay ku biirtay xulafada Sacuudiga, isla markaana si rasmi ah xiriirka diplumaasiyadeed ugu jartay Qadar.
Xukuumada Eritrea waxa ay sheegtay in go’aanka xiriirka loogu jaray Qadar uu yahay mid sax ah, isla markaana dowladaha kale laga doonaayo inay ku biiran dadaalka xiriirka loogu jaraayo Qadar.
Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Xukuumada Eritrea ayaa lagu yiri “Go’aanka ay quruumaha khaliijka dhexdooda gaareen ayaa ah mid saxan oo loo marayo wadada saxda ah ee lagu xaqiijinyo nabadda iyo xasilloonida, Eritrea waxa ay qaaday talaabo arrinta ku habboon”
Eritrea ayaa sheegtay in dowlada Qadar ay si gaara u taageerto Kooxaha Argagixisada ee sida ba’an kaga soo horjeeda Xukuumada Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa maalin ka dib markii saraakiisha Qadar ay booqasho ku tageen Asmara iyo Addis Ababa iyagoo taageero u raadinaya xiisadda ka socda wadamada khaliijka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]