Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaraaran ayaa waxa uu ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaa oo u dhexeeyay maleeshiyaad kawada tirsan deeganka.
Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa uuna xoogiisa ka dhacay degaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamay ay weerar ku qaaden goob fariisin u aheyd maleeshiyo beeleedka kale ee kasoo horjeeday.
Dagaalka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 11 ruux oo kala taabacsanaa labada dhinac, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 17 ruux, oo la dhigay Isbitaalada Degmada Maxaas.
Sidoo kale, Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay, waxaana iminka degan xaalada.
Gudoomiye ku-xigeenka degmada ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro, badan isla markaana ay goobta dagaalka dhigeen ciidamo kala dhex gala labada dhinac.
Geesta kale, waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xasilinaayo Xaaladda hadda ka jirta duleedka degmada Maxaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]