Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka walaacsan inay disho Iran ayaa sheegay in Mareykanku si degdeg ah ugu weerari doono kumannaan gantaal haddii ay isku daydo inay disho isaga.
Trump ayaa saaka ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social: “Haddii dowladda Iran ay fuliso hanjabaadaha ay marar badan ka jeedisay meelo kala duwan oo dunida ah ee ku aaddan inay disho ama isku daydo inay khaarijiso madaxweynaha hadda ee Mareykanka, markaas Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxaa isla markiiba lagu garaaci doonaa in ka badan 1,000 gantaal, waxaana xigi doona kumannaan kale.”
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in amarada arrintaas hore loo bixiyay, isla markaana “ciidamada Mareykanku ay diyaar yihiin, go’aan adagnaay leeyihiin, ayna si buuxda u awoodaan inay gebi ahaanba burburiyaan dhammaan goobaha la bartilmaameedsado ee Iran muddo hal sano ah, muddadaasna la kordhin karo haddii loo baahdo.”
Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu Khamiistii qoray in Israa’iil ay Mareykanka la wadaagtay xog sirdoon oo cusub, taas oo ay sheegtay inay muujinayso qorshe ay Iran ku doonayso inay ku khaarijiso Madaxweyne Trump.
Hanjabaadda ayaa sidoo kale soo baxday kadib warar laga helay sirdoonka Israa’iil oo ay ku sheegeen qorshe cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah Cali Khamenei.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu ma caddeynayso goorta xogta sirdoonka la gudbiyay iyo halka ay ka timid.
Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen in la khaarijiyo Donald Trump.

