London (Caasimada Online) – Waxaa magaalada London ee dalka Britain ku bas beelay dhismo aad u dheer kaa oo la sheegay in gabi ahaantiisa uu ololaayo.
Dhismahani oo la sheegay inuu yahay 27 dabaq ayaan la ogeyn sababta ilaa iyo hadda ka danbeysay inuu gubto, waxaana iminka damintiisa dadaal ugu jira gaadiidka dab damista ee ka howlgala magaalada London.
Daminta debka kacay ayaa waxaa ka qeyb qaadanaaya Gaadiidka dab damiska oo cadadkooda lagu sheegay ilaa 150 gaari oo aan weli ku guuleysan daminta debka.
Dhismaha uu dabka ka kacay oo caan ka ah magaalada London ayaa waxa lagu magacaabaa Grenfell Tower oo ku yaalla Lancaster West Estate.
Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay dad badan inay ka soo badbaadiyeen dhismaha gubanaya, iyadoo uu socdo dadaalo ku aadan sidii loo baqtiin lahaa dabka.