Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kullan khaasa la qaatay dhammaan Madaxda Hay’adaha amaanka DF.
Madaxweynaha ayaa madaxdaasi kala hadlay sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho oo inta badan ay ka dhacaan dilal iyo Qaraxyo is barbar socda.
Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Madaxda u sheegay in rabitaankiisa uu yahay mid ku saleysan 3 Qodob oo muhiim u ah magaalada Muqdisho kuwaa oo ay kamid yihiin:
1- In muddo 2 sano ah amni buuxa looga dhaliyo magaalada Muqdisho.
2-In duulaan joogta ah lagu qaado goobaha ay maleeshiyaadka kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.
3-In ciidamada amaanka iyo gaadiidkooda ay ka muuqdan dhammaan Isgooysyada magaalada Muqdisho, isla markaana heegan joogta ah ay ku jiraan ciidamada geesiyaasha ah.
Madaxweynaha oo dhiiri galinaaya Madaxda Hay’adaha iyo ciidamada ayaa yiri “Waxa loo dagaalayo naftiina keliya maaha, waxaad difaaceysan wax ka weyn naftiina weeye. Waxaad difaaceysan sharafka Somaliyeed iyo maqaamka aan adduunka ku leenahay”
”Ogaada waxaad difaaceysan waa dalkan Ilaahay uu na siiyay oo khayraadka badan, oo carruurtiinu degan yihiin, ilmaha aan awoowaha u noqon doono ay deganan doonaan inaan ka difaacno cadowga.”
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ciidamada geesiyaasha ay la daba taagan yihiin mushaar iyo caafimaad joogta ah, waxa uuna cudur daar ka bixiyay xuquuq la’antii ku dhacday mudada uu xilka ku cusbaa.
Geesta kale, waxa uu carab dhabay inaanu jiri doonin cid lasiin doono mudnaanta 1aad ilaa ciidamada Qaranka mooyee.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]