Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Ethiopia waxaa xil cusub loo magacaabay Gen. Gabre oo horay IGAD ugu qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya.
Gen. Gabre oo saameyn ba’an ku lahaa Siyaasada Somalia ayaa waxaa iminka loo magacaabay La-taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.
Gen. Gabre ayaa noqonaaya La-taliye sare oo la shaqeyn doona Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin.
Gen. Gabre ayaa horay uga tirsanaan Xafiiska fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Gen. Gabre ayaa xilkii uu IGAD uga hayay Somalia waayay wixii ka danbeeyay Guusha Madaxweyne Farmaajo ee doorashadii dhacday 8 Feb, 2017.