25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Mowqifka DF ee xiisada Carabta oo saameyn ku yeeshay Soomaalida Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jeddah (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya walaaca lasoo darisay Kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga, kadib hoos u dhac ku imaaday xiriirka Sacuudiga kala dhexeeya Somalia.

Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa iminka walaac xoogan ka qaba in laga soo musaafuriyo dalkaasi, iyadoo ay dowlada Sacuudiga baadi-goob ugu jirto halka ay ka maagi laheyd dowlada Somalia.

Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa sheegay inay ku jiraan xaalad cabsi leh oo kaga imaaneysa dowlada Sacuudiga.

Sheekh Muxudiin Cabdiraxmaan oo kamid ah Soomaalida dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa magaalada Riyadh, ayaa sheegay inay cabsi ka qabaan in dowlada Sacuudiga ay ku dhawaaqdo in dhammaan Soomaalida ay isaga baxaan dalkeeda.

Waxa uu sheegay inay jiraan culeysyo durba ka qabsaday Sacuudiga oo ay ugu horeyso qaadashada Iqaamada dal ku jooga ah, waxa uuna carab dhabay inay soo baxayaan ifafaalooyin muujinaaya in Sacuudiga uu qorsheynaayo inuu iska saaro Soomaalida.

Waxa uu intaa raaciyay in dowlada Somalia ay ku taageersan yihiin go’aanka ay ku diiday inay xiriirka u jarto Qadar, maadaama ay muhiim tahay in la fiiriyo masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa jira caqabado iyo dareen gaara aan ka qabno ku noolaanshaha dalka Sacuudiga, iyadoo ay sidaa tahay waxaan ku mowqif nahay dowlada Somalia oo banaanka ka taagan xiisada ka dhexeysa Sacuudiga iyo Qadar”

Sidoo kale, waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay in Sacuudiga ay ka dhaadhiciso sababaha keenay inay ka biya diidaan ku biirida xulafada Sacuudiga, si ay usoo dheeraato nolosha ay Soomaalida ku dhex heystaan dalka Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inaanu shaqooyinkooda aawgood u taageeri doonin in Somalia ay ku garab noqoto Sacuudiga, balse ay mar waliba yihiin kuwo daneynaaya in dalkooda uu gaaro heer go’aan uu qaadankaro.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News