28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaad ka taqaanaa agaasime ku-xigeenka cusub ee Villa Somalia Dr. Aamina?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa maalmo un ka hor lagu magacaabay agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Dr. Aamina Saciid Cali.

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada ayaa horay uga mid aheyd Xildhibaanadii KMG dowladii hore ee Somalia, waxa ayna mudooyinkaani danbe aheyn mid aan ka dhexmuuqan Siyaasada dalka.

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Marwo Aamina ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee jagadaasi qabata, waxaana lagu wadaa in ay la shaqeyso agaasimaha cusub ee madaxtooyada Fahad Yaasin.

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada, ayaa inta badan nolosheeda ku qaadatay dalka Sweden halkaas oo ay ka baratay Science-ka.

Marwa Amina Saciid ayaa sidoo kale qaraabo dhow la ah Cabdullahi Ciise Maxamud, waxaa ay muddo dheer ka shaqeyneysay sida ay uga dhexmuuqan laheyd Xarumaha ugu waaweyn ee dowlada, balse ma aysan suuragalin inay ka dhexmuuqato sababo la xiriiray socdaalkeeda dibadda oo ahaa mid aad u badnaa.

Marwa Amina Saciid, ayaa wadata Shahaado heer master ah oo ay ka qaadatay Machadka The Karolinska Institute ee dalkaasi.

Sidoo kale, Marwa Amina Saciid, ayaa ku dhawaad 20 sano cilmi baare ka aheyd The Karolinska Institute, gaar ahaan qeybta genetics, Bio Bank, Masterkeeda sidoo kale waa Medical gaar ahaan Toxicology.

Marwa Amina Saciid, ayaa mudada u dhexeysay 2009-2012-kii aheyd Xildhibaan ka tirsan dowladii KMG aheyd ee madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Marwa Amina Saciid, ayaa sidoo kale ah qoraa dhanka arrimaha Siyaasada iyo Bulshada, waxa ayna horay u qortay ilaa laba Buug oo ay leedahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hadda waxaa uu Marwo Aamin Saciid u magacaabay agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Dhinaca kale, Marwa Amina Saciid ayaa ballanqaaday inay la imaan doonto isbedel dhanka maamulka ah, iyadoo tix galineysa duruufaha jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News