28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro cusub: Meydad hor dhooban Saldhiga Deg. Waaberi & Gaadiidka Ambalasta oo la diiday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay iridka hore ee Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa la sheegay in ciidamada dowlada ay eryineysay gaariga, isagoo markii danbe ku jaray Saldhiga oo xiligaa ahaa mid ay ka socdeen howlo kala duwan.

Qaraxa ayaa dhacay xili inkabadan 20 ruux ay ku nasanayeen geedo ku horyaal Saldhiga hortiisa, waxaana dadkaasi soo gaaray dhaawac iyo dhimasho.

Inta la xaqiijiyay ilaa 7 Askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen Qaraxa kuwaa oo xiligaa ku sugnaa afafka hore ee Saldhiga.

Ciidamada ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray kuwo la socday Gaari Boolis oo horyiilay Saldhiga, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 13 ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska.

Goobta Qaraxa ayaa waxaa laga mamnuucay qaar kamid ah Gaadiidka Ambalasta, Gaadiidka caadiga iyo dadka shacabka ah waxaana dhaawaca qaadaya Gaadiidka Ambalasta ee Booliska.

Goobta ayaa waxaa buuxa Meydad farabadan waxaana iminka ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada.

- Advertisement -

Read more

Local News