26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Xog: Yaa lahaa qorshaha lagu aasaasay golaha amniga qaranka ee Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha waxaa leysku raacay in dhismaha Gole ka shaqeeya amniga Qaranka oo loogu magacdaray ”Golaha Amniga Qaranka”

Dhismaha Golaha ayaa waxaa lahaa Xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaa oo dhismaha Golahaasi ku tilmaamay mid waxbadan ka bedeli karta xaalada amni ee iminka ka jira dalka.

Golahani ayaa waxaa si wada jira u dhisay Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedka oo uu shir uga socdo magaalada Muqdisho.

Fekerka dhismaha Golaha ayaa waxaa si gaara usoo bandhigay xubnaha Britain iyo Mareykanka ka jooga Somalia, waxa uuna daba socdaa nidaamkii lagu jeexay ”Somalia National Security Architecture” oo lagu meelmariyay shirkii kusoo idlaaday magaalada London.

Qorshaha miiska saaran ayaa ah in Golaha uu ka koobnaan doono xubno khubaro ah oo laga soo kala qaadi doono maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna Golahaasi si toosa u hoos imaan doonaa DFS.

Golaha aasaaskiisa leysku raacay ayaa sidoo kale waxaa lagu bedeli doonaa Madasha Qaranka oo ku koobneyd keliya Villa Somalia iyo hogaamiyayaasha maamulada.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha lagu yagleelayo Golaha ayaa la doonayaa in muddo kooban ay ku keenaan isbedel dhanka amniga ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News