29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Muran weli ka taagan 8 ka mid kuraasta BF oo ay dhawaan laashay maxkamada sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Maxkamada Sare ee dalka laashay Siddeed kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan doorashada kuraasta.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee laalay Kuraasta ayaa beelaha ay kasoo kala jeedan Musharaxiintii cabashada gudbisay iyo kuwa laga gudbiyay ku amray inay u diyaar garooban doorashada Kuraastasi.

Guddoomiyaha ayaa Hogaanka beelaha Siddeeda Kursi isku haya faray in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qabto doorashada Siddeeda Kursi, waxa uuna mar kale ka digay in leysku dayo musuq mar kale lagu sameeyo codadka.

Mar uu Guddoomiyaha Xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Odayaash beelahaasi ayaa sheegay inaanu jirin sabab looga laabto doorashada Kuraastasi.

Guddoomiyaha oo ay kusii kordhayaan cabashooyinka kaga imaanaya dhanka dowlada iyo beelaha Kuraasta isku haya, ayaa muddo kooban u qabtay doorashada Kuraasta.

Ex Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo kamid ah shaqsiyaadka cabshada gudbiyay ayaa iyana ku adkeysaneysa in dib loo qabto doorshada Siddeeda Kursi ee muranka dhaliyay.

Caasho waxa ay ku nuux-nuuxsatay inaanu ku qanci doonin doorasho la’aan, waxa ayna sidoo kale ballanqaaday inay la shaqeyn doonto Xildhibaanka ay Kursiga isku hayaan, waa haddii si xalaala looga guuleysto.

Sidoo kale, warar soo baxaaya ayaa sheegaya in doorashada ay hakat ugu jirto beelaha isku haya Kuraasta, kadib markii qaarkood ay diideen in dib loogu celsho doorashada.

Beelaha qaar ayaa sharci daro ku tilmaamay in dhowr bil kadib mar kale dib loo qabto doorashada Siddeeda Kursi.

Ma cadda sida uu xalka doorashada noqon doona, waxa uuna Khilaafka iminka yahay mid Seddex geesood ah oo u dhexeeya Maxkamada, Beelaha iyo Shaqsiyaadka isku haya Kuraasta.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News