Ceeldheer (Caasimada Online) – Kadib markii dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan dardar-gelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa waxaa isa markiiba diyaar garow xooggan bilaabay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii lagu guda jiray todobaadka xorriyadda ku dhawaaqay in in Dowladda Federaalka ay bilaabi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, isaga oo xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa khatarta ay kooxda ku hayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Intaas kadib Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ka duulaya qorshaha Madaxweynaha ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha dagaalka ee degmada Ceeldheer oo gobolka Galgaduud, iyaga oo halkaas kula hadlay ciidamada.
Taliye Ibraahim ayaa faray ciidamada inay dagaal horleh u diyaar garoobayaan, isla markaana qayb ka noqdaan howlgallada bilaabanaya oo uu jeedkoodu yahay in dalka looga saaro maleeshiyaada Khawaarijta.
“Waad ogtihiin amarka soo baxay oo ah in la diyaar garoobo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan fadhiyadiisa laga diyaar garoobo, nimanka argagixisada ahaa waxay ku jiraan waqtiyadii ugu dambeeyay waxaa la rabaa qof weliba inuu niyaddiisa diyaariyo,” ayaa lagu yiri Taliye Ibraahim Maxamed.
Dhankiisa Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aan la aqbali karin in Al-Shabaab ay sii haystaan deegaanno kamid ah dalka.
“Waxaan dhisnay ciidan awood leh, si wanaagsan u qalabaysan, kana hawlgeli kara guud ahaan dalka. In Khawaarijtu ay weli nala sii joogto waa arrin aan la aqbali karin. Waana ka dulqaadaynaa Dalka,” ayuu isna yiri Wasiir Fiqi.

