Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay magaalada Jowhar, kaas oo lala beegsaday goob tacsi ka jirtay oo ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Libiga oo u dhexeeya garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyo gudaha magaalada Jowhar, waxaana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in si gaar ah qaraxa oo miina ahaa loogu qariyay luuq u dhexeeyay guriga ay tacsida iyo masaajid ku yaalla halkaasi, kadibna markii ay dadka isku yimaadeen la qarxiyay.
Libiga ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka oo amniga Jowhar ka ilaaliya halkaasi.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka ku dhaawacmay qaraxan oo xaaladooda halis tahay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si loogu fidiyo gurmad caafimaad oo deg-deg ah.
Xaaladda ayaa hadda deggan, iyado ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falalkaas, si cadaaladda loo horkeeno.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan qaraxa iyo howlgalka xigay.
Inta badan waxaa Jowhar ka dhaca fala liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyay qarax ay maalmo kahor fashiliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo lagu diyaariyay waddo ku taalla xaafadda Buulo Sheekh ee magaaladaasi.

