Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka kusoo dhacaya warqabadka caasimada Online ayaa sheegaya in ilaa 18 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin iyo dad shacab ah la dhigay goobaha caafimaad ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ku sumoobay markii ay cuneen raashin sumeysan.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadkaasi ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana u jira Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug iyo Kuxigeenka duqa magaalada Gaalkacyo. SIdoo kale, dadkaasi ayaa u badan dhalinyaro caan ka ah magaalada Gaalkacyo.
Sida ay sheegayaan dad ka badbaaday raashinkaasi sumeysan in dadkaani isugu jira mas’uuliyiinta iyo dhalinyarada inay raashinka sumeysan ka cuneen xaflad ka dhacday deegaanka Daara-Salaan oo magaalada Gaalkacyo u jirta 15 km, halkaasi oo ay ugu qeyb galeen xaflaad magaca looga badalayay deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in dadka xaaladooda wax laga qaban la’yahay ay u qaadayaan Isbitaalada Muqdisho.
Wax ku dhintay raashinkaan ilaa hadda lama soo theegin, hase ahaatee waxaa aad u lista 12 qof oo ka mid ah dadka goobaha caafimaad la dhigay.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

