24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Somali ka tirsan booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay haweeney cadaan ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Mareykanka Sargaal Somalia ah oo ka tirsan cidamada Booliska Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur, ayaa la sheegay in dhowr rasaas uu ku dhuftay Haweeneyda oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Australia.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Justine Damond, ayaa la toogtay xili ay ku sugneyd magaalada Minneapolis dalka Mareykanka, waxa uuna Maxamed Nuur ciidanka ku biiray sanadii 2015-ta.

Mid kamid ah Saraakiisha goobjooga ka ahaa falka oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in dhacdada ay timid kadib markii haweenaydaasi ay soo wacday labo Sarkaal oo Booliska ka tirsan, ka dibna ay tageen gurigeeda ,halkaasi ay xabad ka dhacday.

Justine Damond, oo ku cusbeyd dalka Mareykanka ayey Booliska u arkeen inay tahay mid u maleegtay shirqool, maadaama ay goobta ka dhaceen rasaas isla markaana qudheedu aheyd mid ku cusub dalka.

Geesta kale, waxaa dhacdadan ka gaabsaday Booliska oo iyagu diiday inay kusii fogaadan qaabka uu dilka u dhacay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News