Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay qaadaceen Miisaaniyadda Dowladda ee hada hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle aysan ku qancin miisaaniyada hortaal baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay inay tahay mid cadaalad ku fadhida.
Waxa uu Xildhibaan Daahir Amiin sheegay in hanaanka loo qeybiyay miisaaniyada uusan aheyn mid ay u siman yihiin Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu intaa ku daray in Miisaaniyadda meelaha qaar si mug leh loogu gacan buuxiyay, halka meelaha qaarna laga dhigay si aan loo baahneyn.
“Waxaan qireynaa inaan wax shaqo ah ku laheyn qaabka loo qeybiyay miisaaniyada, waa arrin nasiib daro ah in loo kala roonaado maamulad”
Sidoo kale, Daahir Amiin Jeesow waxa uu carab dhabay in wax kabedelka miisaaniyada ay tahay mid laga sugaayo Wasaaradda Maaliyadda.
Haddalka Xildhibaan Daahir Amiin ayaa kusoo beegmaaya xili cabashooyin ceynkaasi ah ay jeedinayeen Xildhibaano kale oo kasoo kala jeeda maamul Goboleedyada.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

