31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xildhibaanada baarlamanka oo go’aan lama filaan ah ka gaaray Wasiir Xoosh Jabriil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta ay ku shiraan ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray 153 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa waxaa hortagay Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Xildhibaanadu ay maalmahaan ku dhaganaayeen.

Wasiir Xoosh ayaa xildhibaanada ka codsaday in la cafiyo,maadaama uu qaldamay Xildhibaanada uu raaligeliyay.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay hadii uu ogaan lahaa in Warkaas uu heerkaan soo gaarayo uusan qoreenba, iyadoo uu Xildhibaanada ka raali galiyay Warkaasi lagu haystay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbada Wasiir Xoosh kadib istaagay ayaa aqbalay raali gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.

Sidoo kale, Xildhibaanada BF gaar ahaan kuwii Mooshinka ka keenay Wasiirka ayaa sheegay in ay Cafiyeen ,maadaama uu raali gelin dhiibay Wasiirka.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmahaani aad uga careysnaa qoraalada uu Wasiir Xoosh ku qoray bartiisa Bulshada, waxaana ay ka keeneen mooshin ay ku dalbanayaan inuu ku hor-yimaado Baarlamaanka, inkastoo iminka xal laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News