Amisom oo diiday qorshihii garoonka Muqdisho lagu shaqo gelin lahaa habeenkii

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Taliska ciidamada AMISOM ee Garoonka Aadan Cadde ay qaadaceen qorsho xiliyada habbeenkii lagu howlgalinaayo Garoonka.

Qorshahan ayaa waxaa qaadacay Taliyaha ciidamada AMISOM ee ka howlgala Garoonka, kadib markii uu warqado diidmo ah gaarsiiyay Xafiiska Maareeyaha Gaaroonka Aadan Cadde.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM qeybta garoonka oo isagu wada is hortaaga shaqada Garoonka ayaa ciidamada ku amray in dhagxaan ay ku jaraan dhammaan albaabada laga galo Garoonka wixii ka danbeeya 4:30 galabnimo.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Garoonka ayaa sidoo kale diiday amar uu Maareeyaha Garoonka ku dalbanaayo in lagu furo qaar kamid ah albaabada Garoonka ee dhagxaanta lagu jaray si ay u maraan gawaarida iyo dadka garoonka ka soo degay gelinkii dambe.

Amar kale oo kasoo baxay Maareeyaha ayaa waxaa ciidamada dowlada ee ku sugan afafka hore ee Garoonka lagu faray in Cagaf Cagafta Garoonka lagu qaado dhammaan dhagxaanta ay AMISOM ku jareen albaabada waxaana talaabadaasi Jawaab ka bixiyay AMISOM oo Gawaari waaweyn ku jartay albaabada.

Sidoo kale, AMISOM ayaa diiday inay sugto amniga Garoonka xiliyada habeenkii, waxa ayna maamulka Garoonka ku wargaliyeen inay sugaan amniga Garoonka xiliyada habeenkii.

Taliyayaasha ciidamada AMISOM ayaa faragalin toosa ku haya maamulka Garoonka Aadan Cadde iyo xarumaha dowlada qaarkood, waxaana xusid mudan in dowlada Federaalka ay cabsi gaara ka qabto in AMISOM ay ku dhaqdo waxa uu sharciga qabo.

AMISOM ayaa dhowr jeer sidaa oo kale diidmo ka muujisay maro kasoo baxay dowlada Federaalka, waxaana xusid mudan in goor sii horeysay ay galitaanka Garoonka u diideen Wasiir Maryan Qaasim.

Dhinaca kale, dhulka uu ku fadhiyo Garoonka ayaa waxaa ka talin dowlada Federaalka waxaana halkaa ka shaqeeya keliya amarka AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com