24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Wada-hadallada DF iyo mucaaradka oo goordhow dib u bilowday + Qodobada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Isniin ah dib u bilowday is aragga labaad ee wada-hadallada xasaasiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddexda garab ee mucaaradka, kuwaas oo kala ah Golaha Mustaqbalka, Golaha Midnimo Qaran iyo Isbaheysiga Nabad iyo Nolol.

Shirka ayaa goordhow ka furmay hoteelka Decale oo ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay is horfadhiyaan guddiyo kala metelaya Dowlada Federaalka iyo xubnaha kala duwan ee mucaaradka. Sidoo kale, waxaa kulanka qayb ka ah safiirrada dhex-dhexaadinta wada ee Mareykanka, Midowga Yurup UK, Turkiga iyo UN-ka.

Labada dhinac ayaa sii amba-qaaday dadaallada lagu raadinayo is-afgaradka siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, si loo soo afjaro khilaafka daba dheeraaday ee uga sii daray xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Waxaa kale oo la filayaa in kulankan si qoto dheer loogu guda galo doodihii ka bilowday shirkii dhacay 9-kii Luulyo, kaas oo labada dhinac ay ku soo bandhigeen aragtiyahooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka. Inkastoo kulankaasi uu horseeday isku soo dhawaansho ballaaran, haddana ma uusan dhalin heshiis rasmi ah oo laga gaaro qodobbadii ugu adkaa ee la isku hayay.

Ujeedada ugu wayn ee wada-hadalladan ayaa ah kuwa lagu doonayo in lagu jiheeyo nooca doorasho ee dalka, qaabka ay u dhacayso iyo waqtiga ugu macquulsan ee lagu qaban karo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii rasmiga ahaa ee hay’adaha dowladda.

Villa Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa weli ku kala aragti duwan dhowr arrimood oo muhiim ah, inkastoo dhinacyadu ay muujiyeen inay diyaar u yihiin sii wadista wada hadallada si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Qodobka ugu weyn ee miiska saaran ayaa ah hannaanka doorashooyinka, iyadoo mucaaradku aysan weli si rasmi ah uga doodin ama uga hadlin hannaanka dhammaystirka Dastuurka ee ay dowladda Federaalka ansixisay bishii Maarso. Arrintan ayaa kamid ah qodobbada weli u baahan in labada dhinac ay ka yeeshaan aragti mideysan.

Sidoo kale, waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan goobaha ay doorashooyinku ka dhici doonaan. Qaar kamid ah mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu koobo magaalooyin cayiman, halka dowladda Federaalka iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan ay ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto guud ahaan dalka.

Qodob kale oo xasaasi ah ayaa ah qaab-dhismeedka guddiga doorashooyinka. Mucaaradka ayaa soo jeediyay in la sameeyo laba heer oo guddiyo ah, kuwaas oo kala ah heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, halka dowladda iyo qayb ka mid ah mucaaradkuba ay taageersan yihiin in la dhiso hal guddi doorasho oo heer qaran ah.

- Advertisement -

Read more

Local News