24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka kala hadashay arrin xasaasi ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Mareykanka kala hadashay taageerada uu ka joojiyay howlgalka UNSOS oo ay hoos yimaadaan Ciidamada AUSSOM ee Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Dhaay oo Qaahira kula kulmay Mudane Massad Boulos, oo ah La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay Mareykanka iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Wasiirka iyo La-taliyaha ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, iyo doorka xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee taageeridda mudnaanta amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, labad dhinac ayaa meel adag ka istaagey in laga hortago waxkasta oo dhaawaci kara Amniga Badda Cas.

Inta uu socday kulanka waxaa kale oo lagu soo qaaday xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, dib u xaqiijinta taageerada loo hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, horumarinta iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

Labada mas’uul ayaa markale carabka ku adkeeyay, sida ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sii wadidda iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Si kastaba, kulankan ayaa yimid, kadib markii dhawaan Mareykanka uu shaaciyay inuu joojin doono taageerada uu siiyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), marka uu dhammaado muddada howlgalka AUSSOM ee 31-ka December 2026, iyada oo go’aankaas si toos ah loogu wargeliyay Ururka Midowga Afrika.

Go’aankan ayaa kusoo beegmay xilli Dowladda Federaalka ay weli ku tiirsan tahay taageerada caalamiga ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada, inkastoo ay sheegto inay kordhisay awoodda ciidanka qaranka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

AUSSOM ayaa billowday shaqadeeda 1 January 2025, kadib markii ay beddeshay howlgalka ATMIS. Waxaa loo sameeyay inay taageerto dowladda Soomaaliya xilli dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo la doonayo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba, Haddii taageerada UNSOS meesha ka baxdo, waxay taasi abuuri kartaa cadaadis cusub oo saaran dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, kuwaas oo horey uga cabanayay maalgelin aan joogto ahayn iyo kharashaad sii kordhaya.

- Advertisement -

Read more

Local News