Marka (Caasimada Online) –Xiisad u dhexeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beel ayaa ka taagan beer weyn oo xashiish lagu beero, taas oo ku taalla deegaanka Gurshiini ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah u sheegeen Caasimada Online.
Maleeshiyaadka isku horfadhiya beerta ayaa isku haya cidda la wareegeysa gurashada xashiishka, xilli muddo bil ah ay ka harsan tahay waqtiga la filayo in dalagga la goosto.
Beerta, oo cabbirkeeda lagu sheegay ku dhowaad 30 hektar, ayaa la sheegay inay muddooyinkii dambe gacanta ku hayeen maleeshiyaad hubeysan, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu keligiis ka faa’iideysto dhaqaalaha laga filayo dalagga.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in beerta markii hore uu xashiishka ku beeray nin lagu magacaabo Gumac, balse markii dambe ay dagaal kula wareegeen maleeshiyaad kasoo jeeda beel kale.
Maleeshiyaadkaas ayaa tan iyo xilligaas la sheegay inay maamulayeen beerta. Hase yeeshee, waxaa dhowaan dib ugu soo laabtay maleeshiyaad taageersan ninkii markii hore beeray, kuwaas oo doonaya inay dib ula wareegaan goobta ka hor inta aan la gaarin xilliga gurashada.
Wararka ayaa intaas ku daraya in labada dhinac ay hadda isku horfadhiyaan deegaanka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu halkaas ka qarxo dagaal beeleed.
Ciidamo tegay beerta
Dowladda federaalka ayaa la sheegay inay ciidamo u dirtay beerta kadib markii ay heshay xog ku saabsan muranka iyo xashiishka lagu beeray goobta.
Saraakiisha tegay deegaanka waxaa kamid ahaa taliyihii hore ee Guutada 14-ka Oktoobar, Cabdiraxiim Maxamed Munye, ka hor inta aan xilka laga qaadin, iyo saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada ka howlgala Janaale iyo Marka.
Ciidamada ayaa la sheegay inay burburiyeen qiyaastii saddex hektar oo kamid ah beerta, balse ay ka tageen inta badan dalagga xashiishka ah.
Ilaa hadda ma cadda sababta aan loo burburin dhammaan beerta, mana jiro war kasoo baxay dowladda federaalka ama saraakiisha ciidamada oo faahfaahinaya howlgalkaas.
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin degmo lagu eedeeyay inay lug ku leeyihiin beerta iyo muranka ka taagan.
Qaar kamid ah taliyeyaasha Guutada 14-ka Oktoobar ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inay qeyb ka yihiin arrintan, inkasta oo Caasimada Online aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin eedeymahaas.
Ganacsiga xashiishka
Deegaannada Gurshiini, Janaale iyo dhulka ku teedsan webiga Shabeelle ayaa muddo dheer lagu yaqaanay beerashada dalagyo kala duwan, balse waxaa sidoo kale laga soo sheegay beero lagu beero xashiishka.
Ka hor inta aan Al-Shabaab laga saarin qaar kamid ah deegaannadaas, kooxda ayaa la sheegay inay dhaqaale ka sameyn jirtay canshuuraha laga qaado beeraha xashiishka iyo ganacsatada ka shaqeysa.
Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata inay ku dhaqanto shareecada Islaamka, balse kooxda ayaa marar badan lagu eedeeyay inay dhaqaale ka sameyso ganacsiyo iyo badeecooyin ay si kale u mamnuucdo.
Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale sheegaya in xubno kamid ah ciidamada dowladda lagu eedeeyo inay ka qeybqaataan qaadista iyo soo gelinta xashiishka magaalada Muqdisho.
Qeyb weyn oo kamid ah xashiishka lagu isticmaalo Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo go’o gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo shabakado ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad, ganacsato iyo saraakiil ciidan lagu eedeeyo inay ka shaqeeyaan gaarsiintiisa suuqyada.
Dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed weli kama aysan hadlin xiisadda ka taagan beerta Gurshiini iyo eedeymaha ku saabsan saraakiisha lagu sheegay inay ku lug leeyihiin.

