Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku ammaanay Soomaaliya wada-shaqeynta dhinaca sharci-fulinta, kadib markii mas’uuliyiinta Muqdisho ay gacan ka geysteen in laba nin oo loo raadinayay kiisas kala duwan oo musuq-maasuq iyo dil ah dib loogu celiyo Mareykanka.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in iskaashiga dhow ee labada dal uu muujinayo sida wada-shaqeyn lagu saleeyo ixtiraamka shuruucda iyo nidaamyada dal walba ay gacan uga geysan karto xoojinta amniga iyo ka hortagga in Soomaaliya ay gabbaad u noqoto dad dambiyo culus lagu eedeeyo.
“Mareykanku wuxuu qadarinayaa wada-shaqeynta joogtada ah ee dhinaca sharci-fulinta ee kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayay safaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo saartay.
Waxay intaas ku dartay in iskaashiga noocan ah uu ilaalin karo muwaadiniinta labada dal, isla markaana uu dambiilayaasha ka hor istaagi karo inay ka baxsadaan cadaaladda.
“Waxaan rajeyneynaa in wada-shaqeyntan ay noqoto halbeeg adag oo lagu saleeyo dadaallada mustaqbalka,” ayay safaaraddu tiri.
Inkasta oo safaaraddu aysan si toos ah u magacaabin kiisaska ay ka hadlayso, haddana bayaanka ayaa yimid maalmo kadib markii Soomaaliya laga soo qaaday laba eedeysane oo kala ah Cabdikariim Iidle iyo Hanut Cabdulle.
Cabdikariim Iidle
Cabdikariim, oo 42 jir ah oo deganaa gobolka Minnesota, ayaa ka mid ah dadka lagu eedeeyay fadeexadda ballaaran ee Feeding Our Future, oo ah kiis la xiriira boqolaal milyan oo dollar oo laga lunsaday barnaamij loogu talagalay quudinta carruurta xilligii cudurka Covid-19.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdikariim lagu wareejiyay saraakiil Mareykan ah 16-kii July, kadib markii ay ku tilmaantay inuu si sharci ah isku dhiibay isaga oo ku sugnaa Soomaaliya.
Waxaa lagu soo oogay 31 dacwadood oo ay ku jiraan khiyaano dhinaca isgaarsiinta ah, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.
Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu gacan ka geystay qorista iyo ansixinta xarumo cunto oo been-abuur ah, kuwaas oo xiriir la lahaa hay’adda Feeding Our Future.
Hay’addaas ayaa udub-dhexaad u ahayd qorshe lagu eedeeyay in lagu lunsaday lacag gaareysa ku dhowaad 250 milyan oo dollar oo loogu talagalay barnaamij nafaqeynta carruurta.
Dacwad-oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan shan milyan oo dollar oo laaluush, gunno sharci-darro ah iyo lacago kale ay mareen akoonno lala xiriiriyay shirkado magac-u-yaal ah oo uu maamulayay Cabdikariim.
“Qabashadiisa iyo dib loogu soo celiyay Minnesota waxay muujinayaan inta ay gaari karto gacanta hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel Rosen.
Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in howlgalka ay ka wada shaqeeyeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, FBI-da iyo hay’adda canshuuraha Mareykanka.
Hanut Cabdulle
Kiiska labaad wuxuu khuseeyaa Hanut Cabdulle, oo 23 jir ah, kaas oo dib loogu celiyay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaas oo uu wajahayo dacwad dil ah.
Hanut ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii Bryce Persang, oo 24 jir ahaa, kaas oo lagu toogtay Columbus bishii September 2021.
Booliska ayaa Persang oo dhaawac ah ka helay gudaha gaari, waxaana markii dambe uu ku geeriyooday isbitaal.
Baarayaasha ayaa sheegay in Persang uu qorsheeyay inuu la kulmo Hanut iyo qof kale ka hor inta aan la toogan. Amar lagu soo xirayo Hanut ayaa la soo saaray sanadkii 2022, hase yeeshee markii dambe waxaa la ogaaday inuu ku sugan yahay Soomaaliya.
Soo gacan-gelinta labada nin ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan habraaca sharci ee la adeegsaday, maadaama Soomaaliya iyo Mareykanka aysan lahayn heshiis rasmi ah oo isu-celinta eedeysanayaasha ah.
Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa dhigaya in qof eedeysan ama la xukumay dal kale loogu wareejin karo oo keliya hab waafaqsan sharciga iyo heshiis caalami ah oo Soomaaliya qeyb ka tahay.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ka fogaaday inay kiiska Cabdikariim ku tilmaamaan “isu-dhiibid rasmi ah”, iyaga oo adeegsaday erayga wareejin kadib is-dhiibid sharci ah.
Labada dowladood weli si faahfaahsan ugama hadlin habraaca sharci ee lagu fuliyay wareejinta, mana aysan shaacin dukumentiyo muujinaya sida ay maxkamadaha ama hay’adaha Soomaaliya u ansixiyeen.
Si kastaba, bayaanka safaaradda Mareykanka ayaa muujinaya in Washington ay doonayso in iskaashiga noocan ah uu noqdo qeyb joogto ah oo ka mid ah xiriirka labada dal, kaas oo muddo dheer xoogga saarayay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Tallaabooyinka ugu dambeeyay waxay muujinayaan in xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Mareykanka uu hadda ka sii gudbayo la-dagaallanka argagixisada, kuna sii fidayo baarista dambiyada caadiga ah, raadinta eedeysanayaasha iyo ka hortagga in Soomaaliya ay meel ay ku dhuuntaan u noqoto dadka ay dalal kale raadinayaan.

