24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Ciidamo taabacsan DF iyo kuwa Puntland oo ku dagaalamay gobolka BARI

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Iska hor-imaad culus ayaa maanta deegaanka Laag ee gobolka Bari ku dhexmaray ciidamo ka tirsan ciidanka PSF iyo ciidamo taabacsan Daraawiishta maamulka Puntland.

Iska hor-imaadkan oo socday muddo kooban ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee PSF oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo ku taalla meel u dhow deegaanka Laag.

Tallaabadaasi ayaa dhalisay ismari-waa u dhexeeyay labada ciidan, taas oo ugu dambeyn sababtay inay isweydaarsadaan rasaas kooban.

Rasaasta labada dhinac ay is dhaafsadeen ayaa la sheegay inay hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee isticmaala waddada deegaanka, iyadoo dadka shacabka ah ay dareemeen cabsi iyo walaac ka dhashay xiisadda lama filaanka ah.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in labada ciidan ay muddo isku hor fadhiyeen goobta ay xiisaddu ka taagnayd, inkastoo aan la soo sheegin dagaal ballaaran oo halkaasi ka dhacay. Xaaladda ayaa la sheegay inay ahayd mid aad u kacsan kahor inta aan la bilaabin dadaallada lagu dejinayay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ama talisyada ciidamada oo lagu faah-faahinayo sababta rasmiga ah ee keentay iska hor imaadka iyo sidoo kale haddii uu jiro khasaare ka dhashay rasaasta labada dhinac ay is dhaafsadeen.

Dhanka kale, ilo amni ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan Taliska Daraawiishta Puntland iyo saraakiil ka tirsan PSF ay yeesheen wada-hadallo degdeg ah oo looga gol lahaa in lagu qaboojiyo xiisadda, isla markaana laga hortago inay isu beddesho dagaal ballaaran.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, wada-hadalladaasi waxay ku dhammaadeen is-afgarad, waxaana lagu heshiiyay in ciidamadii PSF ee ku sugnaa goobta ay dib ugu laabtaan magaalada Boosaaso, si loo dejiyo xaaladda amni ee deegaanka Laag.

Go’aankaasi ayaa la sheegay inuu soo afjaray xiisaddii taagnayd, isla markaana dib loo furay isu socodkii gaadiidka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland weli kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdada iyo natiijada wada-hadalladii deg-degga ahaa ee lagu dejiyay xiisadda.

- Advertisement -

Read more

Local News