Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo xil sare u magacaabay weriye caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta waxa uu xil Cusub u magacaabay Wariye Cabduqaadir Maxamed Cashar Nadaara.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Nadaara in uu noqdo la taliyaha  Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Wariye Cabduqaadir Nadara ayaa waxaa xusid mudan in uu horay u soo noqday Afhayeenkii Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, wuxuuna hadda ka tirsanaa taleefishinka Kalsan, xaruntiisa magaalada London.