28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Maxay tahay sababta uu guddoonka BF uga dhegan yahay wasiirka amniga?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii badaneyso dhibaatada ay ciidamada dowladda ku hayaan Xildhibaanada Baarlaamaanka Soomaaliya ayaa waxaa digniin adag soo saaray guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaarrada amniga wixii hadda ka danbeeya lagula xisaabtami doono xadgudubyada lugula kaco xildhibaannada, maadaama maalmihii dambe ay ciidamada dowladda baaritaan adag ku sameenayeen Xildhibaanada isticmaalo waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Cabdiwali Sheekh Muudeey oo ah  Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay inaan loo dulqaadan doonin   sida uu hadalka u dhigay in u dhigay in askarta dowladda ay ku xadgudbaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya .

‘’Waxaa la rabaa in ciidamada aad asluub u yeeshaan oo ay karaameeyeen xildhibaannada, ma ogolaaneyno in xildhibaannada karaamada laga qaado, in si qof caadi ah loola dhaqmo marnaba ma ogolaan doono’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa shaaciyey in  dowladnimada ku dhisan tahay in hay’adda sharciga ah ee jira isku xushmeeyaan xasaanada ay leeyihiin, isaga oo intaa ku daray in wasaarada amniga looga baahan yahay si gaar ah in uu arintaan uga foojignaado, isla markaasna ay ciidamada Dowladda ku amarto inaysan ku xadgudbin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Digniintaan ayaa kusoo aadeyso xilli bilihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda baaritaano xoog leh oo lagu xaqiijinayo amniga ka wadeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana qeyb ka ahaa baabuurta baaritaanka lagu sameenayey kuwa ay wataan Xildhibaanada dowladda Soomaaliya.

Inta badan ciidamada Dowladda ayaa baaritaan aan kala sooc laheyn ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, waxayna mararka qaar iska indha tiraan kaararka ay tusaan XIldhibaanada dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News