28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Madaxweynihii HirShabelle oo goor dhow xilka laga qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in baarlamanka maamulka HirShabelle uu xilka ka qaaday madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ilaa 68 Xildhibaan ayaa ogolaatay in xilka laga qaado madaxweyne cusub, lamana xaqiijin karo qaabka ay u dhacday xil ka qaadistaas maadaama loo diiday saxaafadda inay ka qeyb galaan.

xildhibaano ka tirsan kuwa xilka ka qaaday madaxweyne Cosoble ayaa saxaafadda la wadaagay sida ay dhacday xil ka qaadistaas, waxayna xaqiijiyeen in 68 xildhibaan ogolaatay in kalsoonida lagala noqdo madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Xil ka qaadistaan ayaa imaaneyso xilli maalmihii dambe ay xildhibaan badan isku baheysteen sidii Cosoble xilka looga qaadi lahaa, iyagoo ku eedeeyey inuu gudan waayey shaqadii loo dhiibtay.

Waxa culeyska kusoo badiyey cosoble isla markaasna soo fududeeyey in xilka laga qaado ayaa aheyd markii 13 wasiir ay halmar iska casileen xilkooda iyagoo ku biiray xildhibaanada mooshinka ka wado Cosoble.

Weli Madaweyne Cosoble kama hadlin xil ka qaadistaas lagu sameeyey iyo haddii uu ku qanacsanyahay, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socdo saxaafadda la hadlo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

- Advertisement -

Read more

Local News