Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay kulan degdeg ah oo u dhexeeya Xildhibaanada baarlamaanka labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.
Kulanka oo ka dhacay Hotel SYL, ayaa waxaa looga hadlaayay go’aanka ay Xildhibaanada HirShabelle xilka uga qaaden Hogaamiyaha maamulka Cali C/laahi Cosoble.
Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda HirShabelle oo dood dheer ka yeeshay xil ka qaadista Cali C/laahi Cosoble, ayaa waxa ay qaarkood kulanka ka sheegen inay aad u taageersan yihiin go’aanka xilka looga qaaday Cali C/laahi Cosoble.
Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda deegaanada HirShabelle ayaa xil ka qaadista Cali C/laahi Cosoble ku micneeyay mid sharci ah, isla markaana aan ka hadal laheyn.
Waxa ay tilmaameen in Cali C/laahi Cosoble uu ka gaabiyay howlihii laga sugaayay, sidoo kalane ka dhaga adeegay digniinada kaga imaanaayay Xildhibaanada HirShabelle.
Waxay dhankooda kaga eedeeyeen in inta badan uu safaro kaga maqnaa Xarunta Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.
Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaaya in Xildhibaanadan ay kulan kale maanta ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga soo saari doonaan War Murtiyeed, ay ku taageerayan mooshinka la sheegay in kursiga looga tuuray Cosoble.
Cali C/laahi Cosoble, ayaa deegaan iyo Xafiis isaga u gaara ka dhigtay magaalada Muqdisho, waana tan sababtay inay isku biirsadaan Xildhibaanada maamulka iyo kuwa labada Aqal.
Xilka Hogaamiyaha ayaa waxaa si KMG ah loogu magacaabay Hogaamiye ku-xigeenka Hirshabelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Canab Axmed Ciise, Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa cadeysay in Cali Guudlaawe uu xilka hayn doono, ilaa iyo inta ay Hogaamiye ka soo dooranayan.
Dhinaca kale, waxaa magaalada Jowhar ka socda kulamo kale oo lagu sii xoojinaayo xil ka qaadista Cali C/laahi Cosoble.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

