Qoys saarnaa baabuur oo goor dhow lagu laayey magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho ka dhacay fal naxdin leh oo loo geystay hal qoys oo ka koobnaa 7 qof iyo darawalkii gaariga u waday kadib markii lagu rasaaseeyey Degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Dadkaan oo saarnaa hal gaari oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa mar qura la huwiyey rasaas ay riyadeen dabley saarneyd gaari kale oo raaxada ah meel u dhow isgoyskada Digfeer, gaar ahaan kasoo horjeedka Shaneeno Nasri.

Baabuurkaan oo lagu dhuftay rasaas aad u badan ayuu darawalkii waday oo dhaawac ah wuxuu ku guuleystay inuu si deg deg ah usoo gaaro Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayaan dhakhaatiir kasoo jeedo dalka Turkiga.

Wariye ka tirsan Caasimadda Online oo goobjoog ka ahaa falka markuu dhacayey ayaa soo sheegayo inay geeriyoodeen seddex qof oo kamid ah qoyskaas oo kala ahaa laba wiil iyo hal gabar oo qaarkood ay ahaayeen dhallinyaro aad u yar yar.

Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray shan qof oo kale oo ay kamid aheyd hooyadii dhashay qoyskaan iyo cunug yar oo ay korka ku heysay, sidoo kalana dadka dhaawacmay waxaa kamid ah darawalkii gaariga ku waday oo la sheegay inuusan kamid aheyn qoyskaas.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Caasimadda Online ee halkaas goobjooga ka ahaa isla markaasna booqday Isbitaalka Digfeer, dadka dhaawaca ayaa qaarkood dhaawacoodu yahay mid fudud sida hooyada iyo cunugga yar oo ay korka ku heysay, halka darawalkii gaariga uu dhaawac halis ah kasoo gaaray.

Aabaha dhalay qoyskaan oo aan kamid ah aheyn dadkii gaariga saarnaa ayaa daqiiqado kadib soo gaaray Isbitaalka, wuxuuna dadka waydiiyey sababta qoyskiisa loo beegsaday u sheegay inuusan qoyskiisa aheyn target ama dad dambi galay balse uu filayo in gaariga ay saarnaayeen uu ahaa mid target ah sidaas ay ku timaaday in la rasaaseeyo balse uusan isaga ogeyn sababta rasmiga ah.

Gaariga la xabadeeyey oo noociisu ahaa Parado ayaa waxaa gadaal uga taalay calaamadda Xawaaladda Dahabshil, lamana xaqiijin karo haddii gaarigaas laga leeyahay shirkadaas.

wixii faahfaahin ah ee kusoo kordhan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.