Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ka hadlay haddii xil ka qaadistii Cosoble tahay sharci

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay inay sharci tahay xil ka qaadista madaxweynaha Hishabeelle, isla markaana muddo 30 maalmood ah lagu dooran doono madaxweyne cusub.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu si buuxda u taageeray go’aankii xilka looga qaaday madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxaa ku-sime madaxweyne noqday madaxweyne ku xigeenkii maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe oo xilka sii heyn doono inta laga dooranayo madaxweyne cusub, iyadoo guddi doorasho uu sameyn doono baarlamaanka.

Sheekh Cusmaan oo saaka gaaray magaalada Jowhar ayaa shir haraa’id oo uu ku qabtay waxaa uu sheegay in go’aankii ay gaareen Xildhibaanada ay tahay mid sharci ah oo dastuuri ah sida uu yir.

Waxaa uu sheegay in xilka si KMG ah uu u heyn doono Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaa uu tilmaamay in dhowaan la soo magacaabi doono Guddi doorasho.

“Waxaa si sharci ah xilkiisa ku waayay, Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble, aqlabiyada baarlamaanka looga qaaday, waxaa la farayaa Madaxweyne kuxigeenka in muddo 30 maalmood si KMG ah xilka u sii haayo”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.