Yaa loo doortay Xubinimadii Gudiga dib u eegista Dastuurka 2 Aqal ee uu iska casilay C/raxmaan Faroole

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa maanta doortay Xildhibaankii buuxin lahaa xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator C/raxmaan Faroole.

Xubinimada ayaa waxaa isku soo taagay Ilaa afar musharax oo mid ka mid ay tahay haweeney, waxaana laga guuleystay Seddex musharax oo cod ahaan aad u liitay tirada ay heysteen.

Xubnaha isku soo sharaxay xubinta Guddiga dastuurka ayaa waxay kala yihiin:

1-Shukri Aadan Maxamed.

2-Xasan Cusmaan.

3-C/wali Goonjeex.

4-C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa helay 24 cod, halka Shurki Aadan Maxamed ay heshay 22 cod, wareegii labaad ee doorashada.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xildhibaanada ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay xubinimada Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Aqalka sare.

Dhinaca kale, xubinta tartanka adag loo galay ayaa waxaa iska casilay Senator C/raxmaan Faroole oo looga guuleystay Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka Labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com